Raila: Ma jirto cid NASA ka tirsan oo aan taageeri doono

0
842

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in inuunan jirin siyaasi ay ka wada tirsanayeen isbeheysigii NASA oo uu soo dhisi doono sanadka 2022-ka.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan madaxda xisbiyada ANC, Wiper iyo Ford-Kenya ay Raila ka codsadeen inuu mid ka mid ah taageero xilliga doorashada guud ee sanadka dambe.
Hasa ahaate Mr. Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan jirin cid ku leh dayn siyaasadeed.
Waxaa uu saaxiibadii ay horay uga wada tirsanayeen NASA ee kala ah Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula u sheegay in aynan ku tashan.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Ndiwa ee ismaamulka Homa Bay ayuu Raila sheegay in saddexda hoggaamiyaal aynan garab siin xilligii la dhaarinayay dhammaadkii bishii koowaad ee sanadkii 2018-kii ka hor inta uunan la heshiin madaxweynaha dalka.