Dambi baarayaasha dalka ayaa xiray nin looga shakisan yahay in uu yahay tuhmanaha ugu muhiimsan ee ka dambeeyay falkii xadgudubka ahaa ee haweeney darawalad ahayd isbuucii hore loogu gaystay waddada Wangari Matahai ee magaalada Nairobi.
Zachariah Nyaora Obadia oo la sheegay inuu soo abaabulay falkii lagu weerarray haweeneyda ayaa galinkii dambe ee shalay laga soo qabtay magaalada Sirare ee ku taalla xadka dalalka Kenya iyo Tanzania.
Baarayaal ka tirsan qaybta cilmi baarista falal dambiyeedyada iyo sirdoonka oo kaashanaya qaar ka mid ah saraakiisha ka howlgalo xarunta taliska DCI-da ee Nairobi ayaa eedeysanaha gacanta ku dhigay xilli uu isku dayayay inuu xadka Kenya iyo Tanzania uga gudbo waddo aan inta badan la adeegsan.
Obadia ayaa dhuumaaleysanayay tan iyo toddobaadkii hore oo uu ka baxsaday howlgal ay ciidamada booliska ka fuliyeen xaafadda Mukuru Kaiyaba ee magaalada Nairobi.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka Mr. George Kinoti ayaa sheegay in eedeysanaha uu hadda ku jiro gacanta laamaha ammaanka islamarkaana cadaaladda wajihi doono iyadoo la raacayo xeerarka dastuuriga ah.
WE HAVE HIM
Zachariah Nyaora Obadia, the country’s most wanted suspect who has been on the run for sexual assault has been arrested. Obadia, who masterminded the ghastly sexual attack on a woman along Wangari Maathai road, has been arrested minutes ago at the Kenya-Tanzania pic.twitter.com/ODvTmTH9Zr
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) March 14, 2022