Shirkadda biyaha ee Garissa ee loo yaqaano GAWASCO ayaa sheegtay in maanta laga bilaabay magaaladaasi howlgal ballaaran oo biyaha looga jarayo dadka macaamiisha ee aanan bixin qarashaadka biyaha.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday sarkaalka shirkaddan u qaabilsan xiriirka bulshada Cumar Cabdullahi Nuur.
Waxaa uu dhanka kale bulshada ugu baaqay inay bixiyaan qarashaadka lagu leeyahay.
Mr.Cumar ayaa xusay in dhaqaale darro ay soo wajahday shirkadda, isagoo u sababeeyay in dadweynaha qaarkood aysan bixineyn biilka biyaha.