DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Kenya Kwanza oo raaligelin ka dalbaday madaxweyne Uhuru

0
616

Siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza oo ay hor kacayaan senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen iyo dhigiisa Nakuru Susan Kihika ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka dalbaday inuu raaligelin ka bixiyo tallaabada uu taageerada siyaasadeed ugu muujiyay Raila Odinga.
Waxay ku doodayaan in hoggaamiyaha wadanka uu si khaldan u adeegsaday awoodda xafiseed maadaama uu ku lug yeeshay siyaasadda xil wareejinta.

Dhanka kale Kipchumba Murkomen ayaa madaxweynaha wadanka ka dalbaday inuu si cad u shaaciyo inuu bisha Siddeedaad ee sanadkan si nabad ah ku wareejin doono hoggaanka haddii loolanka loogaga adkaado Raila Odinga.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa 12-kii bishan si cad u sheegay inuu taageerayo musharraxnimada Mr.Odinga oo uu u arko musharraxa u qalmo inuu kala wareego hoggaanka dalka si uu horumar u jiro sidoo kalena loo ciribtiro musuqmaasuqa.