IEBC oo beenisay inay u yeertay William Ruto

0
448

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa warqad faalis ah ku tilmaamay qoraal la faafiyay oo muujinaya in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto lagu amray inuu xarunta guddigan iska xaadiriyo 15-ka bishan.
Qoraalka ay IEBC been abuur ku sheegtay ayaa dhigaya in Ruto loo yeeray si wax looga weydiiyo hadal uu ka jeediyay Maraykanka oo la xiriiray ku shubashada natiijada doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Jawaabta IEBC ayaa timid kadib markii warqadda oo ku taariikhaysan 11-ka Maarso lagu faafiyay baraha bulshada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii guddoomiyaha IEBC ,Wafula Chebukati uu sheegay inaysan fududeysan oo ay baaritaano ku sameyn doonaan dhaliisha ah inuu jiro qorsho lagu shubanayo natiijada codeynta guud.