DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ANC oo dalbaday in Mudavadi uu ku xigeen u noqdo Ruto

0
490

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga ANC ayaa wacad ku maray inay iskaga baxayaan isbeheysiga Kenya Kwanza haddii Musalia Mudavadi aan loo soo xulan inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo William Ruto oo dalladdan hoggaamiyo.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii shalay Ruto loo ansaxiyay inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee UDA.
Siyaasiyiinta uu ka midka yahay senatarka Kakamega Cleophas Malala ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshahooda uu yahay inay isbeddel ballaaran ku sameeyaan dhaqaalaha wadanka sidaas awgeedna Musalia Mudavadi oo ay sheegayaan inuu arrintan waayo aragnimo buuxda u leeyahay uusan ka maqnaan karin maamulka sare ee dowladda xigta.