NCIC oo u yeertay Raila Odinga, ka dib hadal naceyb uu dhawaan ka jeediyay Wajeer

0
661

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa u yeertay hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga si uu uga jawaabo hadal uu maalin ka hor ka jeediyay ismaamulka Wajeer.
Mr. Odinga oo hadalkan jeediyay 9-kii bishan, xilli ololihiisa uu ku doonaya xilka madaxtinimo geeyay dowlad deegaankaasi ayaa jeediyay hadal la qoonsaday kaas oo kala qaybin abuuri karo.
Waxaa uu Raila adeegsaday erayga ‘Madoadoa’ oo naceyb ka ah gudaha Kenya sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC Samuel Kobia
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii hadal sidaan oo kale ah uu jeediyay senatarka ismaamulka Meru Mithika Linturi islamarkaana xabsiga loo taxaabay, ka dibna damiin lacageed lagu siidaayay.
Erayga madoadoa ayaa si wayn uga dhex muuqday dacwadaha Kenya ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah ICC ee uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands, iyadoo madax ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ay maxakamaddan kasoo hormuuqday ka dib rabshadihii dhacay  doorashadii guud ee sanadkii 2007-dii ee lagu kala qaybsamay.