Hoggaamiyayaasha isbeheysiga OKA ee kala ah Kalonzo Musyoka (Wiper), Gideon Moi (KANU), Cyrus Jirongo oo ah madaxa xisbiga UDP iyo Martha Karua (Narc Kenya ) ayaa maanta saxiixday heshiis isbeheysi oo abuuraya midnimo xooggan ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa sidoo kale saxiixa heshiiskan isbeheysi qayb ka ah xisbiga beeraleyda ee uu hoggaamiyo xoghayihii hore joogtada ee wasaaradda dowlad wadaajinta dalka Irungu Nyakera iyo xisbiga (MDG) ee uu madaxa u yahay xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Ugenya ee ismaamulka Siaya David Ochieng.
Madaxda siyaasadeed ee xubnaha ka ah isbeheysiga OKA ayaa tilmaameen in heshiiska ay maanta gaareen uu yahay mid ka turjumaya inay isku aragti yihiin islamarkaana ay isla wadaagayaan fikradaha.
Madaxa xisbiga NARC Kenya Martha Karua ayaa carrabka ku dhufutay in isbeheysigooda uu sidoo kale diyaar u yahay inuu soo saaro musharraxa ku matali doono doorashada guud ee soo socoto.
Hoggaamiyaha xisbiga KANU ahna senetarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa xusay in isbeheysiga OKA uu aasaas u yahay inuu wax ka beddello nolosha kenyaanka caadiga ah.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ka dhawaajiyay suurtagalnimada ah in ay la shaqeeyaan ama iskaashi la sameeyaam isbeheysiyada kale ee dalka ka jira ama si iskood ah ugu tartamaan doorashada guud ee soo socoto.
Saxiixa heshiiska isbeheysiga OKA ee maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo berri lagu wado in si rasmi ah shaaca looga qaado musharraxa madaxweyne ee dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee higsiga mideynta Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.