Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa muujiyey kalsooni ah in 24 dowlad deegaan ay maalinka Talaadada ee toddobaadkan ansaxin doonaan hindise sharciyeedka BBI ee la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Raila ayaa ugu yeeray kuwa ka soo horjeeda geddisocodkan in aysan beddelin mowqifkooda.
Waxaa u xusay inay tahay xaquuq dimuqradiyadeed in la kala aragti duwanaado.
Ilaa iyo hadda waxaa geddiscodkan meelmariyay 11 ismaamul.
Ismaamulladan ayaa kala ah Galbeedka Pokot , Busia, Homa Bay, Kisumu, Siaya, Trans Nzoia, Kajiado, Kisii, Vihiga, Laikipia iyo Nairobi.
Waxaa ilaa iyo hadda geddisocdokan ka soo horjeystay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo in kastoo dacwad arrinkaan looga soo horjeedo maxkamadda loo gudbiyay.
Waxay tani micnaheedu tahay in loo baahan yahay taageerada 13 ismaamul oo dheeraad ah si loo helo ugu yaraan 24 dowlad deegaan oo qorshaha aftida loogu gudbiyo labada aqal si ay uga fiirsadaan kaddibna loo aado afti qaran.