Eedeysanayaal afduub iyo dhac ka gaystay waddada Thika Superhighway oo la xiray

0
480

Waaxda dambi baarsita dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay afar qof oo loo haysto inay ka dambeeyeen afduub iyo dhac loo gaystay dad safrayay.
Shakhsiyaadkan ayaa dhac iyo afduub kula kacay dadkan oo marayay waddada wayn ee Thika Superhighway.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tuhmanayaasha laga soo qabtay deegaanka hoose ee Kahawa Wendani ee ka tirsan ismaamulka Kiambu.
Xariggooda ayaa daba socdaa ka dib 3 qof oo dhibbanayaal oo dhawaan laga afduubtay waddada mashquulka badan ee Thika Superhighway, kuwaas oo laga dhacay lacag caddaan ah iyo qalab qaali ah ka hor inta aan lagu siideyn aagga Kabati, ee dowlad deegaanka Murang’a.
Bayaan ay soo saartay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa lagu sheegay in afarta qof ay gacanta ku dhigeen saraakiil fadhigoodu yahay deegaanka Ruiru xilli ay dhac u gaysanayeen dhibbane kale.
Magacyada tuhmanayaasha ayaa lagu kala sheegay Josephine Njambi, Nicholas Mungai, Joel Kinyanjui iyo Edwin Njuguna.
Howlgalka lagu soo qabtay burcaddan ayaa lagu soo helay mindi afeysan, biro iyo qalab kale oo ay dhaca u adeegsan jireen.
Waxay wararku tilmaamayaan in sidoo kale gacanta lagu dhigay gaari la sheegay in eedeysanayaasha ay howlgalkooda afduubka ku fulin jireen.
Dhanka kale, waaxda DCI-da ayaa uga digtay milkiilayaasha baabuurta in ay ka firsadaan cidda ay ka kireynayaan gawaaridooda, maadaama iyagana ay qayb ka noqonayaan dambiga.