Waaxda booliska ee dalka ayaa maxkamadda weydiisatay inay muddo 20 cisho ah xabsiga ku hayso 16 ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo lala xiriiriyay xadgudub jinsiyadeed oo Jimcihii loo gaystay haweeney baabuur waday.
Booliska ayaa sheegay inay muddadan u adeegsan doonaan inay soo gabagabeeyaan baaritaannada ka dhanka ah tuhmanayaasha.
Shakhsiyaadkan ayaa ku jiri doono saldhigga booliska ee Gigiri ee magaalada Nairobi.
Waaxda dacwad oogidda ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay u baahan yihiin inay sameyaan baaritaano dhanka faraha ah si loo xaqiijiyo eedeysanayaasha dhabta ah ee tacaddiga kula kacay haweeneyda.