Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa dhawaan safar rasmi oo qaadanaya saddex cisho ku soo gaaray dalkani Kenya.
Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirradda arrimaha dibadda Ambsadoor Raychelle Omamo, wasiirka gaashaandhigga Eugene Wamalwa iyo saraakiil kale.
Sidoo kale waxaa wafdiga soo dhaweeyay madaxweyne Mnangagwa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Fredrick Shava.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay la qabtay kal-fadhiga saddexaad ee guddiga iskaashiga joogtada ah ee labada dal (JPCC).
Waxaa kulanka shir guddoominayay wasiirka dibadda ee Kenya Raychelle Omamo iyo dhigeeda Zimbabwe Fredrick Shava.
Intii uu shirka socday labada dhinac ayaa isku afgartay sare u qaadidda xiriirka ka dhexeya ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska iyo arrimo kale.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in maalmaha uu gudaha wadanka ku sugan yahay madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangangwa inuu dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta la saxiixan doono heshiisyo dhowr ah.
Waxaa hoggaamiyaha Zimbabwe socdaalkiisa ku wehelinaysa marwada koowaad ee dalkaasi Auxillia Mnangagwa.
Maanta oo Arbaco ah ayuu qorshuhu yahay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo marwada koowaad ee dalka Margaret Kenyatta ay xarunta madaxtooyada ku qaabilaan dhigiisa Zimbabwe Emmerson Mnangagwa iyo xaaskiisa.