Imtixaannada qaran ee KCPE-da oo maanta billowday

0
427

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga billowday imtixaannada qaran ee fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da.
Sanadkan waxaa imtixaanka sameynaya arday tiro ahaan dhan 1.2 milyan.
KCPE-da ayaa lagu sameyn doonaa 28,316 xarumood guud ahaan dalka.
Waa markii labaad oo imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah ay ardayda sameynayaan bilooyin aan ahayn 10-aad iyo 11-aad sidii caadiga ahayd.
Arday maanta KCPE-da u fadhiisaneyso ayaa sameynaya imtixaanka sanad dugsiyeedka 2021-ka
Isbeddelladan waxaa horseeday cudurka COVID-19 oo tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2020-kii carqaladeeyay habsami u socodka howlaha waxbarasho ee dalka.
Maalinkii Jimcaha ee la soo dhaafay ayay ardayda fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe sameyeen diyaar garowgii ugu dambeeyay ee imtixaanka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa xaqiijiyay in la sameeyay qorshayaal faahfaahsan oo lagu hubinayo in imtixaanka uu ku qabsoomo jawi nabdoon iyadoo ismaamullada qaar ee wadanka ay ka jiraan caqabado dhanka amniga ah.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay u diyaarisay in imtixaanka ay maareeyaan 200,000 oo macallimiin iyo in ka badan 45,000 oo ciidamo amni ah oo la gaynayo xarumaha kala duwan ee imtixaanka KCPE-da lagu sameynayo ee guud ahaan dalka.
Wasaaradda waxbarashada ayaa dhanka kale ardayda u xaqiijisay in imtixaannada qaran si caddaalad ay ku dheehan tahay loo maareyn doono sidoo kalena su’aalaha aynan ahayn kuwo ka baxsan casharradii ay ardaydu qaateen.
Prof. George Magoha ayaa sheegay in aynan jirin wax warqad imtixaan oo la helay ama cid loo dusiyay isagoo ardayda imtixaanka sameynaya uga digay in ay khiyaano ama xatooyo isku dayaan.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in aysan jiri doonin kulamo siyaasadeed oo ka dhaca dugsiyada inta lagu guda jiro imtixaannada KCPE iyo KCSE.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here