Booliska Ruushka oo xiray in ka badan 3,500 dibadbaxayaal ah

0
482

In ka badan 3,500 oo qof ayaa lagu xiray mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan wadanka Ruushka oo looga soo horjeeda duullaanka uu madaxweyne Vladimir Putin ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine.
Waxaa sidatan laga soo xigtay mas’uuliyiinta Ruushka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka ayaa sheegtay in 1,700 oo qof lagu xiray caasimadda Moscow, 750 qof sidoo kale lagu xiray magaalada St Petersburg iyo 1,061 qof oo lagu xiray magaalooyin kale ee Ruushka.
Ururka OVD-Info oo dabagal ku sameeya mudaharaadyada ayaa sheegay in ay diiwaangaliyeen ugu yaraan 2,578 qof oo lagu xiray 49 magaalo oo kala duwan oo ku yaalla Ruushka.
Waxaa ay intaasi ku dareen in sidoo kale ay diiwaangaliyeen ugu yaraan 4,366 qof oo lagu xiray 56 magaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here