Laamaha ammaanka oo qabtay xashiish qiimihiisu yahay hal milyan

0
713

Laamaha ammaanka ee deegaanka Rabai ee ismaamulka Kilif ayaa gacanta ku dhigay nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka.
Ciidamada ammaanka ayaa qiimaha maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen ku sheegay hal milyan.
Sidoo kale daroogada ay ciidamadu qabteen ayaa lagu sheegay 9,460 xirmo oo xashiish ah.
Gaariga xamuulka ah ee siday maandooriyahan ayaa shalay laga soo qabtay aaga Kokotoni ee ku teedsan waddada xiriiriso ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Taliye ku xigeenka booliska ismaamulka Kilifi Willy Simba oo warbaahinta kula hadlay saldhigga booliska ee Rabai ayaa sheegay in booliska ay ku guuleysteen in ay qabtaan oo ay xireen darawalkii gaariga xamuulka ah waday oo markii hore isku dayay in uu baxsado.
Waxaa uu taliyaha sheegay n darawalka la qabtay uu xusay dambiilayaasha kale ee falkan ku lugta lahaa, islamarkaana ciidamada booliska aysan weli gacanta ku soo dhigin.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlgal xooggan uu ka socda waddadaasi islamarkaana ay gacanta kusoo dhigayaan dhammaan badeecooyinka kontarabaanka ah ee loo kala gudbiya ismaamullada kale ee dalka.
Darawalka gaariga xamuulka ah ayaa dhanka kale lagu wadaa in maxkamad la soo taago berri oo Isniin ah, si loogu soo oogo dacwad ku aaddan ka ganacsiga maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here