Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy oo cambaareeyay weerarka uu Ruushka ku qaaday xarunta nukliyeerka ee Ukraine

0
383

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Ruushka ku eedeeyay weerarka ay ku qaadday warshadda lagu sameeyo hubka nukliyeerka ee dalka Ukraine.
Mr. Volodymyr Zelenskyy ayaa dhanka kale dowladaha Yurub ugu baaqay in la jooga xilligii hurdada ay ka kici lahayeen, madaama la weeraray xarunta oo loo yaqaano Zaporizhzhia oo ah midda ugu wayn ee nukliyeerka ee qaaradda Yurub waxayna ku taalla magaallada Energodar ee wadanka Ukraine.
Waxaa uu xusay in Ruushka uu garanayo meelaha uu bartilmaameedsanayo.
Dowladda Ukraine ayaa horay u sheegtay in ciidamada Ruushka oo wadankaasi duullaan militari ku haya ay weerareen warshadda nukliyeerka.
Waxay intaasi ku dareen in Ruushku uu sidoo kale dab qabadsiiyay dhisme ka kooban 5 dabaq oo tababarrada lagu bixiyo kaasoo ka ag-dhow xarunta nukliyeerka.