Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in la billaabay abaal marin heer caalami ah oo la xiriirta arrimaha deegaanka iyo nabadda .
Abaalmarinta ayaa loo yaqaanaa “Amani and Mazingira Global Award” oo loola jeedo billadda caalamiga ee ammaanka iyo deegaanka.
Tani ayaa ku soo beegan tahay xilli shalay magaalada Nairobi lagu qabtay xuska sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aasaaray barnaamijka arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay ee (UNEP).
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dowladda dhexe ay maalgelin ku bixin doonto abaal marintan si loogu sharfo shakhsiyaadka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha nabadgalyada iyo muujinta bilicda deegaanka.