In ka badan hal milyan oo qof oo ka qaxay Ukraine

0
632

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in tan iyo markii toddobaad ka hor dowladda Ruushka ay duullaan ku qaadday dalka dariska la ah ee Ukraine ay halkaasi ka qaxeen ugu yaraan hal milyan oo qof.
Guddoomiyaha sare ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan arrimaha qaxootiga Filippo Grandi ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadkan qaxootiga ah ay gaareen waddamada Ukraine u dhow.
Waxaa uu Grandi xusay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa dagaalka si shacabka Ukraine loo gaarsiiyo gargaar baniaadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here