La taliyaha madaxweynaha Ukraine ayaa beeniyay sheegashada Ruushka ee ah inay la wareegeen magaalada Kherson ee koonfurta dalkaasi.
Oleksiy Arestovych ayaa sheegay in dagaal waddo ah uu ka socdo magaalada, kaasoo ku fadhiya halka uu wabiga Dnieper ka baxo ee badda Madow.
“Magaalada gacanta ciidamada Ukraine ayay ku jirta, waxa aynu sii wadeena inaan is difaaco,” ayuu yiri la taliyaha madaxweynaha Ukraine
Gor sii horreysay ee maanta ayay ahayd markii wasaaradda difaaca ee Ruushka ay sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida ee duullaanka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine ay qabsadeen magaalada Kherson ee koonfurta wadankaasi.