Midowga Yurub oo ansaxiyay xayiraado ka dhan ah dowladda Belarus

0
611

Xubnaha Midowga Yurub ayaa ansaxiyay xayiraado ka dhan ah dowladda Belarus oo lagu eedeyay inay taageertay duullaanka militariga Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.
Madaxtooyada Faransiiska ayaa laga soo xigtay in xayiradda lagu beegsan doono qaybaha dhaqaalaha ee daka Belarus.
Dhank kale duqa magaalada Kyiv ee magaala madaxda Ukraine Vitali Klitschko ayaa sheegay in Ruushku uu ciidamo ku uruurinaya meel u dhow caasimadda.
Qoraal uu soo badhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay inay difaaci doonaan caasimadda Kyiv.
Waxaa uu dhanka kale xasuusiyay dadweynaha magaalada Kyiv inay sii wadaan u hoggansamida bandowga habeenkii ee halkaasi ka dhaqangalsan ee billaabanaya 8-da fiidnimo ilaa 7-da subaxnimo.