Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibrahim Rooba ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray gar-gaar rashiin ah oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeelatay abaaraha.
Waxaa uu sheegay barasaabka in Mandera aysan helin roobab ku filan bilihii Tobnaad iyo Kow iyo tobnaad ee sanadki hore taas oo keentay in dad badan ay saamaysay abaarta.
Mr Roba ayaa ka dhawaajiyay in dhulka Mandera uu ka yaraaday daaqa xoolaha taas oo keentay biyo yari.
Qoysaska nugul oo dhibaatada kala kulmay abaarta, iyo dadka ka diiwangashan xarumaha agoomaha ,dadka qaba xanuunka HIV/AIDS-ka , dadka aan u dhalan deegaanka iyo dadka masaakiinta ah ayaa ka faa’idaysanaya gargaarka rashiinka ah oo uu bixiyay guddoomiyaha dowlad deegaanka Mandera Cali Ibraahim Rooba.
Mr Roba ayaa ka warbixinaya inta tan oo rashiin ah oo uu xariga ka jaray.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dadka ay saameynta ku yeelatay abaaraha ee ismaamulka Mandera oo gargaar rashiin...