DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shacabka Nairobi ugu baaqay inay taageeraan BBI

0
708

Madaxweynaha dalka Mr Uhuru kenyatta oo shalay isku soo bax qabtay xilli uu xariga ka jarayay isbitaalo ku yaala xaafadaha Kayole iyo Dondora ee magaaladatan Nairobi ayuu shacabka ugu baaqay inay taageeraan geddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uuna u mahadceliyay wakiillada golaha hoose Nairobi kuwaas oo dhawaan ansixiyay BBI.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sheegay inuusan isaga dano gaar ah ku wadan warbixintan balse u kursiga baneyn doono marka u muddo xileedkiisu dhamaado ee sanadka 2022-ka