Australia oo Ukraine ku caawinaysa 50 milyan oo doolar

0
543

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in xukuumadiisa ay dowladda Ukraine siinayso lacag dhan 50 milyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayaa looga gol leeyahay in wadankaasi uu uga soo kabto saameynta ka soo gaartay duullaanka militari ee Ruushka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in taageerada ay siinayaan dowladda Ukraine ay isugu jirto gantaallo, hub kale iyo nidaam kasta oo ay ku difaacan karaan dhulkooda .
Ra’iisul wasaaraha Australia ayaa tilmaamay in tani ay la kaashan doonaan gaashaanbuurta NATO.