Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo laga qaaday xilka hoggaamiye ku xigeenka Jubilee

DHAGEYSO:William Ruto oo laga qaaday xilka hoggaamiye ku xigeenka Jubilee

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lumiyay jagadii uu ka hayay xisbiga wadanka hoggaamiyo ee Jubilee.
Waxaa uu ahaa ku xigeenka hoggaamiyaha Jubilee hasa ahaate xilkaasi ayaa laga xayuubiyay ka dib isbeddel shalay dhacay.
Waxaa isbeddelkan lagu ansaxiyay shirweynaha ergada qaran ee xisbiga ee (NDC) oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Isbeddellada waxaa qayb ka ah in Jimmy Angwenyi loo magacaabay hoggaamiye ku xigeenka xisbiga u qaabilsan dhanka istaraatiijiyadda Kinoti Gatobu( maareynta howlaha xisbiga ), Naomi Shaban (Ololaha ) iyo Peter Mositet ( barnaamijyada Jubilee).
Sidoo kale guddiga qaran ee fulinta ee Jubilee (NEC) ayaa ansaxiyay tallaabo William Ruto iyo xulafadiisa looga saarayo diiwaanka xisbiga maadaama lagu eedeyay inay si cad uga soo horjeesteen iyagoo horumarinaya ajeendaha xisbi kale.
Ka dib markii uu is casilay xoghayihii guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ayaa waxaa jagadaasi loo magacaabay Jeremiah Kioni.
Nelson Nzuiya iyo David Murathe ayaa sii ahaan doono guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Jubilee.
Sidoo kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa weli sii haynaya jagada hoggaamiyaha Jubilee.
Mr. Kenyatta ayaa ku celceliyay inaysan jirin shakhsiyaad laga saaray xisbiga balse ay iyaga si si iskood ah uga baxeen taasoo keentay in isku shaandheyn la sameeyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka uu gabay waajibaadkiisa dastuuriga ah ay danta ku qasabtay inuu saaxiibbo kale raadsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments