Dacwad oogaha guud ee maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC Karim Axmad Khan ayaa walaac ka muujiyay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Waxaa uu sheegay inay surtagal tahay in maxkamaddu ay baaritaanno ku saameyso weerarrada ay ciidamada Ruushka ka gaysteen dalka deriska la ah ee Ukraine.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay inay si gaar ah u eegi doonaan falalka la xiriira xasuuqa, fal dambiyeedyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyada dagaal ee laga gaysanaya gudaha wadanka Ukraine.
Warar iska soo daba dhacaya ayaa sheegaya in qaraxyo xoggan laga maqlay meelo kala duwan oo ka tirsan magaala madaxda Ukraine ee Kyiv.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelenskyy uu shaaciyay in 137 qof oo isugu jiro shacab iyo ciidan militari looga dilay dagaalka halka hay’adda UNHCR ay tirada barakacayaasha ku sheegtay in ka badan 100,000.
Qaybo ka mid ah caalamka ayaa waxaa ka soo socdo isku soo baxyo dagaal lagu diiddan yahay.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu soo warramayaa inuu kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan.
Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Moscow waxayna dowladda Pakistan bayaan ku sheegtay inay ka walaacsan tahay dagaalka militari ee labada dhinac u dhexeya oo ay sheegtay inay ka qoomamoonaysa in aan laga hor tagin.
Hasa ahaate Ruushka ayaa socdaalka Khan ku tilmaamay mid wada shaqeyn ku saleysan oo lagu xoojinaya cilaaqaadka laba geesoodka ah.