Wasiirka waxbarashada oo baaq u diray ururka macallimiinta ee KUPPET

0
415

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa mas’uuliyiinta ururka macallimiinta ee KUPPET ku boorriyay inay hakad geliyaan ku dhaqaaqidda shaqo joojin qaran oo ay shaaciyeen.
Waxaa uu kula taliyay inaynan carqaladeyn imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah oo lagu wado in bisha saddexaad ay ardayda u fariistaan.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in xubnaha dalladda KUPPET laga doonayo inay dowladda fursad ku filan u siiyaan xallinta tabashooyinka dhanka musharaadka ee ay qabaan.
Dhanka kale wasiirka ayaa madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC. Nancy Macharia iyo guddiga maamulo TSC ka codsaday inay sii wadaan wada hadallada ay la yeelanayaan macallimiinta si looga hor tago shaqo joojinta.
Tani ayaa timid ka dib markii xoghayaha guud ee ururka macallimiinta ee KUPPET Akello Misori uu guddiga TSC u qabtay toddobo cisho uu uu dib ugu billaabaya geeddisocodka wada hadallada.