Wiil saddex cisho ceel ku jiray oo ku dhintay Afghanistan

0
488

Maamullada samatabixinta ee dalka Afghanistan ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay inuu geeriyooday wiil yar oo saddex cisho ka hor ku dhacay ceel la qodayay oo ku yaalla tuulada Shokak.
Tuuladan ayaa masaado dhan 400 oo kiilomitir dhanka koonfurta waqooyi kaga began caasimadda Afghanistan ee Kabul.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tuulada oo hoos tagto gobolka Zabul ay ka mid tahay meelaha ay sida wayn u saameysay abaarta.
Kooxaha samatabixinta ayaa tan iyo Talaadadii si aan nasasho lahayn ugu dadaalayay inay badbaadiyaan wiilka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Xaydhar da’diisuna ahayd 5 sano.
Saaka ayay ahayd markii ay saraakiishu sheegeen inuu weli nool yahay balse waxay ugu dambeyn shaaciyeen geeridiisa.
Anas Haqqani, oo ah la taliyaha sare ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Taalibaan ayaa barta Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku xaqiijinaya geerida Xaydhar.