Dowladaha G7 oo diyaar u ah inay la hadlaan Ruushka

0
463

Toddobada dowladood ee caalamka ugu horreeya dhanka warshadaha ee ku mideysan dalladda G7 ee kala ah Canada, Faransiiska , Jarmalka , Talyaaniga, Japan, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay arrinta Ukraine kala xaajoodaan dowladda Ruushka.
Tani ayaa timid ka dib markii dalalka reer galbeedka iyo gaashaanbuurta NATO ay xukuumadda Moscow ku eedeyeen inay raadinayso qiil ay ugu duusho Ukraine iyadoo tabanaysa arrimo dhanka amniga ah.
Waxay arrimahan ku soo beegmayaan iyadoo fallaago la rumeysan yahay inay taageero ka hesho Ruushka oo ku sugan bariga Ukraine ay ciidamada dowladda dalkaasi ku eedeynayaan inay soo weerareen.
In kastoo dowladda Ruushka ay beenisay inay qorsheynayso tallaabo militari oo ka dhan ah Ukraine oo ayna intaasi ku dartay inay dib u soo celisay ciidamadii ay gaysay meel u dhow xadka ay wadankaasi la wadaagto, haddana dalal uu Maraykanka ka mid yahay ayaan taasi la dhicin oo weli Moscow ku tuhmanaya inay awood difaac adeegsan doonto maalmo gudahooda.