Guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka oo soo jeediyay in IEBC la siiyo 21.7 bilyan

0
646

Waxaa suurtagal ah in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) uu helo dhaqaale dhan 21.7 bilyan oo shilin haddii wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ay tixgeliso soo jeedin ka timid guddiga baarlamaanka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda.
Guddigan oo uu hoggaamiyo xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kieni , Kanini Kega ayaa warbixin arrinkan ku aaddan u gudbiyay golaha qaran ee xeer dejinta.
Hasa ahaate waxay ka soo horjeesteen codsigii IEBC ee ahaa in loo qoondeeyo miisaaniyad dhan 27.5 bilyan si ay ugu adeegsato maareynta doorashada guud ee sanadkan iyo howlaha la xiriira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo miisaaniyad sanadeedkan guddiga doorashooyinka uu helay 14.5 bilyan.