Laamaha ammaanka oo xiray labo qof oo lagu eedeeyay burburinta agabka korontada

0
362

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay labo qof oo loo haysto burburinta qayb ka mid ah agabka shirkadda korontada ee Kenya Power.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu kala magacaabaa Thomas Anasi oo horay uga mid ahaa farsamayaqaannada shirkadda iyo Joseph Kagwi oo maalqabeen bilyaneer ah oo ku nool magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu.
Qoraalka DCI waxaa ku cad in labadan qof lala xiriirinayo fal dambiyeed heerkiisu sarreeya.
Thomas Anasi ayaa laga soo qabtay xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi halka Kagwi lagu xiray Thika.
Tallaabada lagu soo qabtay tuhmanayaasha ayaa timid ka dib markii la waayay xargo iyo qalab kale oo la doonayay in loo isticmaalo mashruuca xiriirinta adeegga korontada ee degmada Wundanyi, ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta.
Waaxda dambi baarista ayaa hoosta ka xarriiqday in eedeysanayaasha hadda ay marayaan baaritaano dheeraad ah iyadoo uu socdo howlgal lagu soo qabanaya tuhmanayaal kale.