Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu shaaciyo tallaabo ay dowladiisa wadanka Mali kaga saarreysa ciidamada halkaasi uga sugan.
Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP ayaa sidatan ku warramaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Macron uu go’aankan ku dhawaaqi doono toddobaadkan gudihiisa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmaha Khamiista iyo Jimcada uu magaalada Brussels ee dalka Belgium ka dhici doono kulan u dhexeya Midowga Yurub iyo Afrika.