Baarlamaanka Itoobiya oo u codeeyay in la qaado xaaladda degdegga ah

0
594

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa maanta cod u qaaday in xilli hore meesha laga saaro xaaladda degdegga ah.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xaalad degdeg oo soconaysa muddo 6 bilood ah.
Tani ayaa ku soo beegan tahay xilli laga cabsi qabay in xoogagga gobolka waqooyi ee Tigray inay la wareegaan caasimadda Addis Ababa.
Go’aanka ay qaateen mudanayaasha abaarlamaanka wadanka Itoobiya ayaa ku soo aadaya ka dib markii golaha wasiirrada ay bishii hore soo jeediyeen in la dhimo muddada uu dalkaasi ku sii jiraya xaaladda degdegga ah waxaana tani lagu saleeyay in amniga uu soo hagaagayo.
312 xeer dejiyaal oo kal-fadhiga ka qayb galay waxaa arrintan ka soo horjeestay 63 halka 21 ay ka aamuseen.
Hasa ahaate weli ma cadda in xaaladda degdegga ah si toos ah maanta meesha looga saari doono iyo in kale.