Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa bayaan ay soo saartay si kulul ugu cambaareysay weeraro ay saraakiisha ammaanka ee dalka Uganda kula kaceen wariyaal iyo dad shacab ah.
Tani ayaa timid ka dib markii la faafiyay muuqaallo laga dhex arkaya ciidamada oo garaacaya suxufiyiin tabinayay dacwad uu Bobi Wine u gudbinayay xafiiska qaramada midoobay ee magaalada Kampala.
Dacwadda oo ka dhan ah dowladda Uganda ayaa ku saabsan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo la gaystay.
Bayaanka UN-ta waxaa ku xusan in booliska Uganda ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah si ay dad la socday wafdiga xisbiga NUP kaga hor istaagaan in ay goobta galaan.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in tallaabada ciidamada ay liddi ku tahay heshiis ay dowladdu gashay oo ahaa in la xaqiijinayo badbaadinta nolosha shacabka
Dowladda Uganda ayaa dhanka kale laga dalbaday inay baarto falalkii shalay dhacay oo ayna dacwad ku soo oogto saraakiishii ku lugta lahaa.