Baarlamaanka iyo waaxda KNBS oo heshiis saxiixday

0
389

Golaha qaran ee xeer dejinta iyo waaxda qaran ee keydinta xogaha ee (KNBS) ayaa ku heshiiyay inay macluumaadka labada dhinac wadagaan.
Waxaa is-afgaradkan si wadajir ah qalinka ugu duugay karaaniga baarlamaanka Michael Sialai iyo agaasimaha guud ee KNBS Macdonald George Obudho.
Ujeeddada laga leeyahay heshiiskan ayaa ah in dejinta xeerarka ay noqoto mid ku saleysan caddeyn.
Baarlamaanka ayaa horay heshiis noocan ah ula galay machadka bulshada ee xeerarka cilmi baarista iyo falanqeynta ee (KIPPRA).
Michael Sialai , guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay inay ku guda jiraan sidii ay ula heshiin lahaayeen wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska maareeya isticmaalka miisaaniyadda dowladda.
Waxaa uu maamulka KNBS uga mahadceliyay inuu ka aqbalay inay wada shaqeeyaan.
Sialai ayaa xusay in tani ay xildhibaanada baarlamaanka u fududeyn doonto inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee dhanka miisaaniyadda iyagoo adeegsanaya caddeymo lagu kalsoonaan karo oo la diiwaangeliyay.
Agaasimaha guud ee waaxda KNBS Macdonald George Obudho ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska ay la saxiixdeen baarlamaanka uu xoojinayo awoodda ay u leeyihiin inay macluumaadka muhiimka ah la wadaagaan maamullada kale ee dowliga ah.