Xoghayaha seddeaad ee dowladda Namibia u qaabilsaneyd wadanka Tanzania ayaa geeriyootay kadib markii uu xanuun la soo dersay.
Geerida haweeneydan ayaa waxaa xaqiijiyay Tobia Lebbeus oo ah safiirka Namibia ee wadanka Tanzania.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Namibia, waxaa ay shegeen in ay u geeriyootay xanuunka burkeeto, pneumonia, inkastoo wararka qaar ay shegayaan inay qaaday cudurka Covid-19.
Haweeneydan oo da’deedo aheyd 57 jir, ayaa dalka Tanzania u joogtay howlgalo diblamaasiyadeed.
Dhaqaatiirta Tanzania ayaa lagu cadaadinaayay inay daaweeyaan dadka lagu arko astaamaha Coronavirus iyokuwa burkiitada kadib markii qaar kamid ah wadamada bariiga Afrika ay ku dhawaqeen in cudurka uu ka yaraaday.
Sidookale sarkaalsare oo ka tirsan dowladda Tanzania ayaa isna geeriyooday iyadoo aan la sheegin xanuunka uu u geeriyooday.
Dhimashada muwaadiniinta wadanka Tanzania ayaa soo badaneysaa madaama dowladda dalkaasi ay iska indha tireyso in cudurka uu jiro.
Madaxweynaha Tanzania John Pombe Magufuli ayaa horey saluug uga muujiyay baaritaanada cudurka Corona Virus .