Ugu yaraan 14 qof oo ku dhintay dhul go’ saameyay Colombia

0
284

In ka badan 14 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii roobab culus oo ka da’ay dalka Colombia ay ka dhasheen fatahaado iyo dhul go’.
Saameynta ugu badan ayaa laga soo tabiyay bartamaha dalkaasi oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 35 qof.
Waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka ee Colombia ayaa laga soo xigtay in guriyo dhowr ah ay burbureen.
Waaxda UNGRD ayaa intaasi ku dartay in la howlgeliyay kooxaha samatabixinta iyadoo dhowr qof la daadgureeyay si noloshooda loo badbaadiyo.
Dhul go’a ayaa ku badan Colombia si gaar ah xilli roobaadka maadaama aynan waddooyinka wanaagsanayn.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii dhul go’ saameeyay magaalada Mocoa ee Colombia ay ku dhinteen in ka badan 320 qof.