Ismaamulka Kisii oo laga ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI

0
530

Ismaamulka Kisii ayaa noqday dowlad deegaankii sideedaad ee ansaxiyo hindisaha BBI ee ku aaddan wax ka beddelka dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa qorshahan maalmihii la soo dhaafay codkoodu ku taageeray wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Galbeedka Pokot , Busia, Homa Bay, Kisumu Siaya, Trans Nzoia iyo Kajiado.
Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo ayaa diiday in ay ansaxiyaan hindise sharciyeedkan in kastoo dacwad arrinkaas looga soo horjeedo maxkamadda loo gudbiyay.
Waxay tani micnaheedu tahay in loo baahan yahay taageerada 16 ismaamul oo dheeraad ah si loo helo 24 ismaamul oo qorshaha aftida loogu gudbiyo baarlamaanka ka dibna loogu codeeyo.
Sidoo kale qaar ka mid ah ismaamullada dalka sida Embu, Kakamega, Nairobi, Laikipia iyo Kiambu ayaa qabtay kulamo dadweynaha ay kaga aragti dhiibteen qorshaha ku aaddan isbeddelka lagu sameynayo xeerarka wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here