Golaha COVID-19 ee Malaysia oo ku taliyay in xuduudda la furo

0
328

Golaha ay dowladda dalka Malaysia u xilsaartay xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19 ayaa soo jeediyay in laga billaabo koowda bisha saddexaad ee sanadkan si buuxda dib loogu furo xuduudaha wadankaasi.
Sidoo kale waxaa goluhu uu ku talinaya in meesha laga saaro karantiilka qasabka looga dhigay dadka halkaasi u safraya.
Soodhimaha Malaysia ayaa la xiray bishii saddexaad ee sanadkii 2020-kii si loo xakameeyo faafidda COVID-19.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waddamada dariska la ah Malaysia ee Thailand, Filibiin iyo Singapore ay meesha ka saareen shuruudaha karantiilka ay si u qaabilaan dalxiisayaasha laga tallaalay corona.