Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda dhexe oo lacago siinaysa dadka dhibaatooyinka u nugul

Dowladda dhexe oo lacago siinaysa dadka dhibaatooyinka u nugul

Wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa sheegtay in lacag dhan 8000 oo shilin la siin doono qof kasta oo ka mid ah ugu yaraan hal milyan oo qof oo dhibaatooyinka u nugul.
Shakhsiyaadka barnaamijkan ka faa’iidaya waxaa ka mid ah waayeellada, naafada iyo agoonta .
Dowladda dhexe ayaa soo saartay 8.7 bilyan oo shilin oo laga billaabo Isniinta 22-ka bishan loo qaybin doono dadka loogu talagalay.
Carruur dhan 293,688 oo horay isaga diiwaangelisay barnaamijka Cash Transfer ayaa loo qaybin doonaa 2.3 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah oo ay qaadan lahayeen intii u dhexeysay bishii sagalaad ilaa 12-aad ee sanadkii hore.
Waayeellada oo ay tiradoodu tahay 762,947 ayaa loogu talagalay 6.1 bilyan halka 33,952 oo ah dadka naafada loo qoondeeyay 271.6 milyan oo shilinka dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments