IEBC oo diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo codbixiyeyaal cusub ah

0
380

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shaaciyay inuu diiwaangeliyay codbixiyeyaal cusub oo gaaraya 1,031,645.
6-dii bishan ayay ahayd markii uu guddigu soo gabagabeeyay wajiga labaad ee diiwaangelinta kenyaanka oo soo billowday 17-kii bishii hore.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Mr. Wafula Chebukati ayaa xusay in diiwaangelinta ay ka wadeen 1,450 oo ah deegaannada hoose ee wadanka iyo sidoo kale waddamada ay ku nool yihiin muwaadiniinta qurba joogta ah.
Waddamadan waxaa ka mid ah Maraykanka, Ingiriiska, Qatar, Jarmalka, Koonfur Afrika, Tanzania, Canada , Imaaraadka ,Uganda, Rwanda, Burundi iyo Suudaanta Koonfureed.
Sidoo kale IEBC ayaa loo soo gudbiyay codsiyo dhan 396,163 oo ay shacabka doonayeen in loo beddelo goobihii codbixinta ee ay horay iskaga diiwaangeliyeen.
IEBC ayaa sheegtay in 2,269 qof ay dib u eegis ku sameeyeen macluumaadkii ay isku diiwaangeliyeen.
Wafula Chebukati ayaa laga soo xigtay in dalalka kale ee caalamka laga diiwaangeliyay codbixiyeyaal kenyaan ah oo gaaraya 2,859 qof.
Sidoo kale waxaa goobihii ay ka codeynayeen ee dibadda beddeshay , 2,964 halka 2,036 kale ay isbeddel ku sameeyeen xogahooda khaaska ah ee ay horay isku diiwaangeliyeen.