DHAGEYSO:Wasiirka batroolka ee dalka oo la filayo inuu is casilo

0
543

Wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta ee dalka John Munyes ayaa lagu wadaa inuu xilkiisa iska casilo si uu ugu biiro siyaasadda.
Waxaa uu ka mid noqonayaa toddobo musharrax oo doonaya inay xilka barasaabka ee dowlad deegaanka Turkana kala wareegaan Josphat Nanok.
Munyes ayaa sheegaya inuu doonayo xallinta caqabadaha ay wajahayaan shacabka ku nool ismaamulka Turkana.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in kastoo dowlad deegaankaasi sanad kasta la siiyo miisaaniyad dhan 12 bilyan oo shilin , in haddana ay sarreyso saboolnimada halka ay aad u hooseeyaan adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.