Madaxweynaha Tunisia oo kala diray golaha garsoorka

0
594

Madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied ayaa lagu soo warramayaa inuu kala diray gole qaabilsanaa xaqiijinta madax bannaanida garsoorayaasha wadankaasi.
Golahan oo la soo dhisay sanadkii 2016-kii ayaa sidoo kale ka shaqeeya ilaalinta habdhaqanka xaakinnada iyo dallacsiintooda.
Maanta ayuu shaaciyay in jiritaanka gole garsoor ay tahay arrin laga soo gudbay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuusan marnaba garsoorayaasha u oggolaan inay u dhaqmaan sida dowlad oo kale iyagoo laga doonayo inay qaranka u adeegaan.
Tallaabada uu maanta ku dhaqaaqay madaxweynaha Tunisia Kais Saied ayaa sare u sii qaadday cabsida laga qabo madax bannaanida waaxda cadaaladda ee dalkaasi.
Waxay tani sii xoojisay dhaliilo uu bilooyinkii ugu dambeeyay madaxweynaha uu u jeedinayay xaakinnada isagoo ku eedeyay inaysan di degdeg ah go’aan uga gaarin kiisaska la xiriira musuqmaasuqa iyo argagixisada.
Bishii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha Tunisia meesha ka saaray faa’iidooyinkii maaliyadeed ee xubnaha golaha ugu sarreeya garsoorka wadankaasi.
Hoggaamiyaha Tunisia ayaa bishii toddobaad ee sanadkii hore jebiyay baarlamaanka iyo golihii wasiirrada taasoo ay mudaharaadyo ka dhasheen.
Waxaa la filayaa in shacabka Tunisia ay dhigaan dibadbax ay uga soo horjeedaan go’aanka cusub ee uu qaatay madaxweynahooda.
Weli waxaa dalka Tunisia ka shaqeynaya amarkii ay dowladda ku mamnuucday dibadbaxyada.
Hasa ahaate waxaa uu dadweynaha kula taliyay inay si nabad ah dareenkooda u muujiyaan maadaama ay xaq dastuuri ah u leeyihiin isagana sida uu hadalka u dhigay uu xaq u leeyahay inuu kala diro golaha cadaaladda.