Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda gaadiidka oo is casishay

0
409

Waxaa xilkeedii iska casishay Wavinya Ndeti oo ahayd xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka.
Ndeti ayaa ka mid ah musharraxiinta u hanqal taagaya xilka barasaabka ee ismaamulka Machakos.
Haweeneydan oo warbaahinta ugu warrantay xafiiskeeda ayaa sheegtay inay ku faanayso waxyaabihii wasaaradda gaadiidka u qabsoomay muddadii ay ka shaqeynaysay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in la joogo xilligii ay u adeegi lahayd dadweynaha dowlad deegaanka Machakos.
Tallaabada ay qaadday ayaa ku soo aadaysa maalmo un ka hor xilliga kama dambeyska ah ee loo qabtay inay xafiisyada banneeyaan shaqaalaha dowladda ee daneynaya inay ku biiraan saaxadda siyaasadeed.
Xeerarka doorashooyinka ee wadanka ayaa dhigaya in mas’uulka dowladeed laga doonayo inuu is casilo 6 bilood ka hor xilliga codeynta guud si uu uga qayb qaato loolanka dhanka hoggaanka.
Waxay tani micnaheedu tahay in saraakiisha dowladda ee musharraxiinta noqonaya ay haystaan ilaa 9-ka bishan labaad oo ku began Arbacada soo socoto si ay isku casilaan.
Wavinya Ndeti ayaa xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda gaadiidka ahayd muddo labo sano ah.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa xilkan u magacaabay bishii koowaad ee sanadkii 2020-kii , xilligaasi oo uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.
Waxay xilka guddoomiyaha ee ismaamulka Machakos u tartantay sanadihii 2013 iyo 2017-kii in kastoo uu kaga guulaystay Dr. Alfred Mutua.
Marka laga soo tago Wavinya Ndeti ,xilka barasaabka ee Machakos waxaa loolan ugu jiro senatarkii hore ee dowlad deegaankaasi ahna guddoomiyaha xisbiga UDA Johnson Muthama, madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka Nzioka Waita, guddoomiyaha golaha hoose ee Machakos Florence Mwangangi iyo xildhibaanka deegaanka Mavoko Patrick Makau.