Maxkamadda oo la geeyay dacwad ka dhan ah xeerarkii siyaasadeed ee uu madaxweynaha saxiixay

0
638

Waxaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi loo gudbiyay dacwad looga soo horjeedo isbeddelladii lagu sameeyay xeerarka lagu maamulo xisbiyada siyaasadeed ee wadanka .
27-kii bishii hore ee Jannaayo ayay ahayd markii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta qalinka ku duugay xeerarkan kadib markii ay ansaxiyeen labada gole ee baarlamaanka.
Hasa ahaate mid ka mid ah dadka deggan Nairobi oo lagu magacaabo Salesio Mutuma Thuranira kana mid ah musharraxiinta xilka senatarnimo ee ismaamulka Meru ayaa dalbanaya in maxkamadda ay soo saarto amar ay ku hor istaagayso dhaqangelinta isbeddellada siyaasadeed.
Waxaa u doodaya in hindise sharciyeedka uu madaxweynaha saxiixay uu khatar u yahay xuquuqda dhanka siyaasadda ee kenyaanka iyo madax bannaanida guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Salesio Mutuma ayaa sidoo kale doonaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC iyo diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadeed lagu amro inaysan ku tallaaba qaadin xeerka Political Parties (Amendment) Act, 2021.
Isagoo uu matalaya qareen lagu magacaabo Elias Mutuma, ayuu shakhsiga dacwadda maxkamadda geeyay ku doodaya in baarlamaanka uu meel mariyay isbeddellada iyadoo aan dadweynaha laga qayb gelin.
Dooddiisa waxaa qayb ka ah in marka la eego qaabka lagu ansaxiyay hindise sharciyeedka, aysan waafaqsanayn micnaha dastuuriga ee xisbi siyaasadeed.
Waxaa uu Mutuma ku doodaya in hindise sharciyeedka haddii aan dib loo eegin uu awoodo xad ka bax ah siinaya diiwaangeliyaha xisbiyada wadanka sidoo kalena uu horseedi karo jahwareer la xiriira hannaanka doorashooyinka maadaama ay jiraan qodobbo aan si cad loo qeexin.
Maxkamadda Milimani ayaa dacwadda ku tilmaantay mid mudan in si degdeg ah loo eego waxaana la sugayaa inay ka soo jawaabaan xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki , guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi , dhigiisa aqalka sare Ken Lusaka , guddiga IEBC iyo xafiiska diiwaangeliya xisbiyada wadanka.