Guddoomiyaha guddiga nabadgalyada ee deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa Cismaan Carte Cabdi ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta ku boorriyay inay nabadgalyada ku dadaalaan xilliga ololaha doorashada guud.
Waxaa uu ku taliyay in laga wada shaqeeyo ka hor tagga falalka wax u dhimi karo xasiloonida guud ee bulshada.
Sidoo kale waxaa uu ka digay in ololaha siyaasadeed loo adeegsado waxyaabaha aan diinta waafaqsanayn sida heesaha.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xoolo dhaqatada ku boorriyay inay nabad ku wada noolaadaan oo ay qaybsadaan kheyraadka meelaha ay roobabku ka da’een.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Star ayuu guddoomiyaha uga hadlay arrimahan.