Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo isku shaandheyn ku sameeyay xoghayayaasha wasaaradaha

Madaxweynaha dalka oo isku shaandheyn ku sameeyay xoghayayaasha wasaaradaha

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sameeyay isku shaandheyn dhanka maamulka ah oo saameysay xoghayayaasha wasaaradaha kala duwan.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday bayaan uu soo saaray.
Waxaa la soo magacaabay 8 xoghaye oo cusub halka 6 kalena la kala beddelay amarkan ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan galaya.
Joseph Kinyua ayaa sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay wanaajinta waxqabadka wasaaradaha kala duwan iyo qaabka ay shacabka ugu adeegaan.
Xoghayihii wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa loo wareejiyay dhanka waaxda gobollada iyo marinka waqooyi oo ay qaabilsaneyd Dr. Margaret Mwakima oo hadda loo soo wareejiyay dhanka culuunta farsamada.
Waxaa Belio Kipsangi xilkii uu ka hayay wasaaradda tacliinta la wareegay madaxii hore ee machadka horumarinta manaahijta ee KICD Dr. Julius Ouma Jwan
Ambasadoor Peter Kaberia Kirimi ayaa loo magacaabay xoghayaha cusub ee wasaaradda warshadaha u qaabilsan dhanka maamulka halka Charles Talengo Sunkuli loo wareejiyay waaxda arrimaha dhallinyarada.
Sidoo kale Xasan Nuur Xasan oo ahaa xoghayihii sare ee wasaaradda cayaaraha u qaabilsanaa dhanka maamulka ayaa la geeyay wasaaradda waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments