Amnesty oo sheegtay in Israa’iil ay midib takoor ka waddo Falastiin

0
458

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in maamulka Israa’iil uu falastiiniyiinta kula dhaqmaya qaab la mid ah midib takoorkii horay uga dhacay wadanka Koonfur Afrika oo kale.
Hay’adda ayaa sheegtay inay khasab tahay in Israa’iil lagula xisaabtamo dhibaatooyinkan.
Warbixinta oo la soo saaray maanta oo Talaado ah ayaa ka kooban 280 bog waxayna faahfaahisay dhulmiga maamullada Israa’iil ee ka dhanka ah falastiiniyiinta.
Dhibaatooyinka waxaa ka mid ah haysashada dhulka iyo hantida shacabka, dilal sharci darro ah , in si khasab ah deegaano kale loogu wareejinaya , xayiraado adag oo dhanka dhaqdhaqaaqa ah , xabsi iyo inaan dadkaasi la siin aqoonsi iyo sharci qaran.
Israa’iil ayaa qaybo badan oo ka mid ah Falastiin sida daanta galbeed haysata tan iyo sanadkii 1967-dii.