Waaxda dacwad oogidda oo dib u eegaysa xeerarka dambiilayaasha dhimirka ka xanuunsan

0
327

Waaxda dacwad oogidda dalka ee (ODPP) ayaa sheegtay inay soo saarayso nidaamyo loo adeegsan doono qaabka dacwadda loogu soo oogaya shakhsiyaadka qabo xanuunnada dhanka dhimirka haddii ay dembi galaan.
Waxaa arrintan lala kaashanayaa wasaaradda caafimaadka, waaxda asluubta , garsoorka iyo booliska.
Shakhsiyaadka lagu soo eedeeyo inay dil gaysteen ayay maxkamadda amarta in la mariyo baaritaano dhanka dhimirka ah ka hor inta aan xukun lagu ridin.
Agaasimaha dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la buuxiyo gaabadka jiro marka qof xaalad caafimaad oo dhanka maskaxda ah sheeganaya uu fal dambiyeed gaysto.