Kenya oo dooneyso in loo soo gacan geliyo eedeysane lala xiriiriyay falal argagixiso oo lagu xiray DRC Congo

0
390

Saraakiil ka socota ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) ayaa u safri doona wadanka Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC, si ay u bilaabaan hannaanka dib loogu soo celinayo dalka tuhmane lala xiriirinayo falal argagixisanimo, si Kenya loogu maxkamadeeyo.
Waxaa eedeysanaha lagu magacabaa Saalim Rashid Maxamad oo loo yaqaana Chortara ama Turki Saalim, islamarkaana kasoo jeeda gobolka xeebta ee Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in eedeysanaha uu xiriir la leeyahay kooxda Daacish.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay inay xiriir la sameyeen mas’uuliyiinta ammaanka ee dalka DRC Congo, si loo fududeeyo in dib Kenya loogu soo celiyo shakhsigan baxsadka ah.
DCI-da ayaa xustay, in Saalim Rashid uu dalka ka baxsaday bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii, isagoona si dhuumasho ah ku galay wadanka DRC Congo waxaana uu xilligaasi ka gudbay dalka Uganda.
Waxaa uu xubin muhiim ah ka ahaa jabhad islaami ah oo loo yaqaano (ADF) kuwaas oo weerarro kala duwan ka gaystay dalka DRC Congo.
Dhanka kale aabaha Saalim oo warbaahinta kula hadlay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa dowladda Kenya ka codsaday in wiilkiisa ay dib ugu soo celiyaan wadanka si halkan loogu maxkamadeeyo.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri aabaha Saalim