Senatarrada Maraykanka oo gabagabeynaya xayiraad ka dhan ah Ruushka

0
569

Senatarrada dalka Maraykanka ayaa aad ugu dhow inay ansaxiyaan hindise sharciyeed ku aaddan in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Ruushka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xukuumadda Moscow lagu eedeynayo inay ciidamo badan gaysay xadka ay la wadaagto Ukraine si ay ugu duusho in kastoo ay iska fogeysay eedeyntaasi.
Labo ka mid ah senatarrada Maraykanka Bob Menendez iyo James Risch ayaa laga soo xigtay in xayiraadaha qaar ay dhaqangeli karaan ka hor duullaan.
Dhanka kale Ruushka ayaa shalay sheegay inuu doonayo xiriir xushmad ku dheehan tahay oo kala dhexeya Maraykanka iyadoo Moscow ay dhanka kale beenisay inay halis amni ku tahay Ukraine.